Ergeyga Midowga Yurub ee Kenya oo kulan la qaadatay taliyaha guud ee booliiska

0
148

Danjiraha Midowga Yurub ku matasho Kenya ,Henriette Geiger ayaa la kulantay taliyaha guud ee ciidanka booliiska waddanka Mr. Douglas Kanja Kirocho.
Kulanka ayaa ka qabsoomay daarta Jogoo House ee magaalada Nairobi.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo uu ugu horreeyo barnaamijka dib u eegista hannaanka cadaaladeed ee lagu maareeyo dembiyada.
Waxay si gaar ah diiradda u saareen in dhammaan maamullada kala duwan ay si joogto ah u sameeyaan isbeddel lagu wanaajinaya adeegyada loo fidiyo dadweynaha.