Dowladda Ruushka ayaa iska fogeysay eedeyn ahayd in ay ka dambeysay hanjabaado codbixiyeyaasha Maraykanka lagu cabsi gelinaya oo ah in ay qaraxyo saameyn karaan afar gobol oo kala ah Georgia, Michigan, Arizona iyo Wisconsin.
Tani ayaa timid ka dib markii dowladda Maraykanka ay sheegtay in xukuumadda Moscow ay sidatan sameysay si ay u farageliso doorashada.
Waxaa dhaliishan Ruushka u jeedisay waaxda dambi baarista Maraykanka ee FBI-da.
Hasa ahaate, dowladda Ruushka ayaa taasi ku tilmaantay mid la doonayo in sumcadeeda lagu dhaawaco.