Waxaa ay duqeymo culus oo soo bilowday habeenimadii xalay ilaa saaka ka dhaceen Qaza iyadoo ciidamada Israel ay bilaabeen duulaan xoogan oo ay ku qaadayaan goobo kala duwan oo ku teedsan dhulka xeebta .
Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ay duqeeyeen goobo ay leeyihiin kooxaha hubeysan ee Falastiin, iyo dhismooyinka amniga iyo booliska.
Xaafadda Tel al-Xaawa ee magaalada Qaza, nin, xaaskiisa oo xaamilo ah iyo wiilkooda oo shan jir ah ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday gurigooda.
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in tirada guud ee dhimashada tan iyo markii weeraradii ugu dambeeyay ay bilaabmeen ay gaarayaan 43, oo ay ku jiraan 13 carruur ah.
Ugu yaraan 233 kale ayaa lagu dhaawacay.
Shan Israa’iiliyiin ah ayaa sidoo kale la dilay.
Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in ilaa 1,500 gantaal laga soo tuuray Qaza kuna dhaceen magaalooyinka dalkaasi.