Waxaa lagu wadaa in maxkamadda sare ee dalka ay maanta go’aamiso in wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki loo dhaarin karo xilka madaxweyne ku xigeenka qaranka ee uu u soo magacaabay madaxweyne William Ruto.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii maxkamadda ay hor istaagtay qabsoomidda xafladii uu qorshuhu ahaa in lagu dhaariyo Kindiki.
Amarkaasi ayaa soo baxay ka dib markii uu maxkamadda dacwad u gudbiyay Rigathi Gachagua oo ka soo horjeeday xil ka qaadistii uu ku sameeyay baarlamaanka sidoo kalena uu ayiday aqalka sare.
Maxkamadda ayaa xilligaasi tixgelisay codsi ay geeyeen David Munyi iyo Peter Gichobi oo dalbanayay in aan Kindiki la dhaarin ilaa laga dhageysanaya dacwadda Gachagua.
Waxaa go’aanka maanta laga sugaya guddi ka kooban saddex garsoorayaal oo kala ah Antony Mrima, Eric Ogola iyo Freda Mugambi .
Home Wararka Kenya Maxkamadda oo maanta go’aamin doonto in Kindiki loo dhaarinaya xilka madaxweyne ku...