Booliiska Nairobi oo baaraya gaari la sheegay inuu waday eedeysanaha ugu muhiimsan ee dilkii haweenka soomaaliyeed

0
713

Ciidamada booliiska ee caasimadda dalka ee Nairobi ayaa baaritaan ku billaabay gaariga la sheegay in loo adeegsaday dilka hooyo, gabadh ay dhashay iyo mid ay habaryar u ahayd oo meydadkooda laga helay xaafadaha Bahati, Parklands ee ismaamulka Nairobi iyo magaalada Machakos.
Baaritaano la sameeyay ayaa kuraasta hore ee gaarigaasi lagu arkay dhiig, sida ay booliiska sheegeen.
Gaarigan oo la rumeysan yahay in eedeysanaha ugu muhiimsan ee dilalkan uu waday ayaa toddobaadkii hore laga soo helay suuqa Ukulima ama Markiti ee ku yaalla deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi.