DHAGEYSO:Maxkamadda oo sharci darro ku tilmaantay shaqo joojinta barayaasha jaamacadaha

0
403

Maxkamadda qaabilsan arrimaha shaqada iyo shaqaalaha ayaa sharci darro ku tilmaantay shaqo joojinta ay ku guda galeen ururka ay ku mideysan yihiin barayaasha jaamacadaha waddanka ee UASU.
Waxay maxkamadda ku wargelisay in ururka UASU iyo wasaaradda tacliinta ay ku soo wada laabtaan wada hadallada lagu xallinaya ismari waaga taagan, islamarkaana ay dardargeliyaan wada xaajoodka.
Garsoore Agnes Nzei oo ka tirsan maxkamada shaqada iyo shaqaalaha oo go’aankan soo saartay ayaa sheegtay in shaqo joojinta ay guda galeen ururka UASU ay tahay mid aan sharciga waafaqsanayn.
Waxay go’aakeeda uu cuskatay in dalabaadka ururka UASU uu hadda ku xiran yihiin wada xaajood sida ku cad qaabka dib ugu laabashada shaqada ay wada saxiixdeen ururkan iyo wasaaradaha waxbarashada, shaqalaha, maaliyadda iyo guddiga qaabilsan arrimaha mushaaraadka iyo gunnooyinka ee (SRC).
Heshiiskan ayaa la saxiixay 26-kii bishii hore.
Garsoore Nzei ayaa sidoo kale ururka UASU uga digtay in xubnahooda ku wargeliyaan shaqo joojinta ay billaabeen shalay.
Waxay sidoo kale muddo labo toddobaad ah oo ay ku soo gabagabeynayaan wada xaajoodyada u qabatay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dorcas Odor iyo wasaaradaha waxbarashada, maaliyadda, shaqada iyo guddiga SRC.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo hoggaamiyayaasha ururka ay ku mideysan yihiin barayaasha jaamacadaha waddanka ee UASU ayaa ku adkeysanayaan in shaqa joojintooda ay sii socon doonto ilaa dowladda ay ka dhaqangaliso heshiiskii u ogolaanayay in ay dib ugu laabtaan shaqada.