Dhowr qof oo ku dhintay daadad saameeyay Spain

0
371

Waxaa lagu soo warramayaa in dhowr qof oo tiradooda la shaacinin ay ku dhinteen daadad ka dhashay roobab xooggan oo ka da’ay dalka Spain.
Saameynta ugu badan ayaa laga soo tabiyay gobolka bari ee Valencia ee waddanka Spain.
Shaqaalaha adeegga gurmadka degdegga ah ayaa sheegay in meydad dhowr ah ay soo saareen.
Roobab mahiigaan ah ayaa shalay ka da’ay inta badan bariga iyo koonfurta dalka Spain kuwaas oo ay daadad ka dhasheen.
Waxaa hakad galay isu socodka dadweynaha, tareenka iyo hawada.
Shaqaalaha gurmadka degdegga ah oo ay taageerayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa wada howlgal lagu baadigoobaya 7 qof oo la sheegay in daadku qaadeen.