Israa’iil oo saaka weerartay Iiraan

0
407

Ciidamada militeriga ee Israa’iil ayaa saaka weerarro ku qaaday bartilmaameedyo milateri oo ku yaalla dalka Iiraan.
Weerarkan ayay Israa’iil ku tilmaantay mid ay uga jawaabayaan duqeymihi cuslaa ay Iiraan horraantii bishan ku garaacday Israa’iil.
Milateriga Iiraan ayaa xaqiijiyay in duqeymaha Israa’iil ay la beegsatay saldhigyo ciidan oo ku yaalla gobollada Ilam, Khuzestan iyo magaalada caasimadda ah ee Tehran.
Iiraana ayaa intaasi ku dartay in duqeymaha Israa’iil ay gaysteen khasaare xaddidan.
Militeriga Israa’iil ayaa ka digay in haddii Iiraan ay fuliso weerarro aargoosi ah, ay ciidamadeeda difaaca ka jawaabi doonaan.