Turkiga oo duqeeyay Ciraaq iyo Syria ka dib weerarkii 5-ta qof ku dhinteen ee Ankara

0
336

Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in la dilay halka 22 kalena la dhaawacay ka dib markii labo nin oo hubeysnaa ay weerareen xarunta dhexe ee warshadda diyaaradaha iyo dayax-gacmeedyada cirka ee dalka Turkiga ee ku taalla magaalada Ankara.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee Turkiga, Cali Yerlikaya ayaa sheegay in labada qof ee weerarka fulisay la dilay.
Waxaa uu intaasi ku daray in qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladooda liidato.
Dowladda Turkiga ayaa weerarkaasi ku tilmaantay mid argagixiso.
Muuqaal laga siidaayay taleefishannada ayaa muujiyay, labo nin oo hubeysan oo galaya xarunta TUSAS ee u dhow caasimadda Ankara.
Wasiirka ayaa weerarkan ku eedeeyay kooxda shaqaalaha Kurdistan ee (PKK) ee laga mamnuucay gudaha Turkiga.
Dhanka kale, war aroornimadi hore ee maanta ka soo baxay wasaaradda difaaca ee Turkiga ayaa lagu sheegay, in duqeymo cirka ah oo ay diyaaradaheeda dagaalka ee ka fuliyeen bartilmaameedyo ku yaalla waqooyiga dalalka Ciraaq iyo Syria, ay ku burburiyeen ilaa 32 bartilmaameed oo ay leeyihiin kooxda PKK.