Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shaaciyay in ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe ee qaybta ka ah mashruuca guriyaha qiimo ahaan la awoodi karo ee ay dowladdu dhisaysa loo qoondeeyay lacag dhan 4.4 bilyan oo shilin.
Arrintan ayuu ka sheegay fagaaraha Kwale Stadium oo lagu qabtay xuska maalinta qaran ee halyeeyada ee Mashujaa Day ee sanadkan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in maamulkiisa uu ku dadaalaya in mashruuca guriyeynta uu noqdo mid guulaysta.
Siyaabaha lagu xaqiijinaya in dhammaan kenyaanka ay ka faa’iidaan ayuu sheegay in ay ka mid tahay in ganacsatada yaryar fursad loo siiyo in ay qaybiyaan agabka ama ay fidiyaan adeegyada loo baahan yahay.
Waxaa uu tilmaamay in diiradda la saaraya sare u qaadidda wax soo saarka gudaha waddanka isagoo tusaale u soo qaatay in ururka Soweto Highrise ee xaafadda Kibera la siiyay qandaraas uu qiimihiisu yahay 720 milyan oo shilin si uu mashruuca guriyeynta ugu wareejiyo qalabka dhismaha.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in barnaamijkan uu shaqo abuur u sameeyay in ka badan 160,000 oo qof.
Waxaa uu tilmaamay in kastoo dadka ka faa’iidaystay ay rag u badan yihiin haddana in ay ka shaqeynayaan sidii doorka haweenka oo hadda ah boqolkiiba 20 looga dhigi lahaa boqolkiiba 30.
Dowladda ayaa shaacisay in mashruuca guriyeynta ay ilaa iyo hadda iska diiwaangeliyeen 547,000 oo qof.
52,000 oo dadkan ka mid ah ayaa kaydsaday 2.3 bilyan oo ay barnaamijkan uga faa’iidaysanayaan.
Sidoo kale , madaxweyne William Ruto ayaa maanta sheegay in maamulkiisa uu doonaya in kaalinta kheyraadka badda ee kobaca guud ee dhaqaalaha waddanka ee GDP oo hadda ah 20 bilyan oo shilin muddo shan sano gudaheeda ah la gaarsiiyo 80 bilyan oo shilin.
2.7 bilyan oo shilin ayaa lagu maalgelin doonaa in la dhiso goobo lagu keydiyo kalluunka iyo qalabeynta dhanka suuqgeynta.
Madaxweyne William Ruto ayaa xusay in kooxaha iyo iskaashatooyinka kalluumeysiga ee gobolka Xeebta oo ah ilaa 612 la siin doono lacag dhan 1.7 bilyan oo shilin.
Waxaa uu tilmaamay in hadda boqolkiiba 82 la dhameystiray dekaddii ugu horreysay ee dalka ee gaar u ah kalluumeysiga ee Shimoni Port.