Barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa galabta sheegay in hal qof uu dhaawacmay ka dib markii uu xaafadda Kahawa West ku dumay dhisme ka koobnaa 8 dabaq oo la degganaa.
Ilaa iyo hadda ma cadda tirada dadka ee dhismahaasi ku noolaa.
Waxaa sidoo kale halkaasi ku yaallay isbitaal iyo meherado ganacsi.
Sakaja ayaa qofka dhaawacmay ku sheegay haweeney ay da’deedu tahay mid dhexe.
Hay’adda Laanqayrta cas ee dalka ee Kenya Red Cross ayaa dhankeeda laga soo xigtay in isbitaalka la geeyay labo qof oo la soo samatabixiyay dhacdadaasi ka dib.