DHAGEYSO:Hooyooyinka uurka leh ee ku jira isbitaalka Mama Lucy oo ay dantu ku qasabtay inay sagxada seexdaan

0
209

Waxaa isbitaalka Mama Lucy ee magaalada Nairobi ka jiro ciriiri dhanka sariiraha iyo qolalka ay bukaannada jiiftaan.
Ilaa 5 bukaan ayaa wadaaga hal sariir, iyadoo hooyooyinka uurka leh iyo kuwa umusha ah ay arrintan cabasho ka muujiyeen.
Qaar ka mid ah hooyooyinkan ayaa sheegay in ay waayeen goob ay seexdaan inkastoo isbitaalka uu maalin walba ka qaado lacagta jiifka.
Waxay qaar ka mid ah hooyooyinka uurka leh ee ku jira isbitaalka Mama Lucy dantu ku qasabtay inay sagxada xaruntaasi caafimaad seexdaan maadaama uu ciriiri jiro.
Maamulka isbitaalkaasi ayaa sheegay in ay jiraan qorsheyaal lagu ballaarinaya xaruntaasi.
Hooyooyinka ay arrintan saameysay ayaa baaq u diray maamulka dowlad deegaanka Nairobi, si uu wax uga qabto xaaladdan.