Xisbullah oo sheegtay in dagaalka ka dhanka ah Israa’iil uu geli doono weji cusub

0
564

Kooxda Xisbullah ee dalka Lebanon ayaa sheegtay in dagaalka ay kula jirto ciidamada Israa’iil uu geli doono weji hor leh.
Waxay hoosta ka xarriiqday in maalmihii ugu dambeeyay ay soo saartay hub cusub.
Tani ayaa timid ka dib markii ciidamada militariga ee Israa’iil ay shaaciyeen in ay gudaha Qaza ku dileen hoggaamiyihii ururka Xamaas ee dalka Falastiin Yaxya Sinwar oo beddelay Ismaaciil Haniyeh oo la dilay bishii Toddobaad ee sanadkan.
Hasa ahaate , ururka Xamaas ayaan weli xaqiijin ama beenin sheegashada Israa’iil.
Dhanka kale , Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin ayaa sheegay in dilka Sinwar uunan ka dhignayn in duullaanka Qaza la soo afjaray.