Senatarrada aqalka sare ee dalka ayaa ayiday go’aankii ay xildhibaanada baarlamaanka xilka uga qaadeen madaxweyne ku xigeenkii dalka Rigathi Gachagua.
Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Amason Kingi ayaa sheegay in lagu caddeeyay 5 dacwadood.
Gachagua ayaa wajahayay ilaa 11 dacwadood.
Dacwadahan ayaa ku saabsanaa in uu dastuurka si wayn ugu xadgudbay iyo in uu awooddisa hoggaamineed ku tagriifalay.
Eedda la xiriirtay ku xadgudubka dastuurka waxaa codkooda ku taageeray 53 senatarro ah waxaana ka soo horjeestay 13.
Dacwadda labaad ee ahayd inuu hoos u dhigay awoodda madaxweynaha iyo golaha wasiirrada waxaa u codeeyay 28 senatarro ah, 39 ayaa ka soo horjeestay.
Eedda saddexaad ee ah in Rigathi Gachagua uu faragelin ku sameeyay arrimaha dowlad wadaajinta waxaa codkooda ku taageeray 19 senatarro ah , waxaa ka soo horjeestay 45 senatar.
Dacwadda afaraad ee la xiriirta inuu wiiqay madax bannaanida garsoorka, waxaa codkooda ku tageeray 51 senatarro ah, 16 ayaa ka soo horjeestay.
Eedda shanaad ee ahayd inuu jabiyay dhaartii uu ku dhaartay in si dacaadnimo ku dheehan tahay dalka ugu adeegaya waxaa codkooda ku tageeray 49 senatarro ah iyadoo 16 senatar ay diideen.
Dacwadda lixaad oo la xiriirta jeedinta hadallada xanafta leh iyo ku xadgudubka sharciga isku xirka bulshada waxaa codkooda ku taageeray 48 senatarro ah halka 18 ay ka soo horjeesteen.
Eedda toddobaad ee la xiriirtay inuu ku tagrifalay xafiiskiisa islamarkaana uu muddo labo sano gudaheed lunsaday 5.2 bilyan oo shilin, waxaa codkooda ku taageeray 14 halka 52 senatarro ah ay diideen.
Dacwadda siddeedaad ee ah in madaxweyne ku xigeenkii dalka Rigathi Gachagua uu dadweynaha warbixinno khaldan la wadaagay waxaa codkooda ku ayiday 27 senatarro ah, 40 ayaa ka soo horjeestay.
Dacwadda sagaalaad ee la xiriirta inuu farageliyay meel ka baxsan xafiiskiisa, sida inuu si cad u weerarray howsha adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS, waxaana arrinkan codkooda ku taageeray 46 senatarro ah halka 20 ay diideen.
Eedda tobnaad oo ahayd inuu si bareer ah uu meel uga dhacay madaxweynaha dalka, waxaa codkooda ku ayiday 22 senatar, halka 44 ay ka soo horjeesatay.
Dacwadda ugu dambeysa ee 11-aad ee ahyad habdhaqan xumo wayn, waxaa u codeeyay 18 senatarro ah, 47 ayaa ka soo horjeestay.
Guddoomiyaha aqalka sare ee waddanka Amason Kingi ayaa shaaciyay in senate-ka uu go’aamiyay in madaxweyne ku xigeenkii dalka xilka laga xayuubiyay sidaasi awgeedna uunan xafiiska sii joogi karin.
Rigathi Gachagua ayaa noqonaya madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyay ee taarikhda Kenya ee xilka laga xayuubiyo.
Waxaa lagu wadaa in Gachagua uu maxkamadda u gudbiyo dacwado uu uga soo horjeedo xil ka qaadistiisa.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo maanta xildhibaanada baarlamaanka dalka ay yeelan doonaan labo fadhi oo muhiim ah.