Kalonzo: Waxay ahayd in madaxweyne Ruto xilka laga qaado ka hor inta aan loo gudbin ku xigeenkiisa Gachagua

0
135

Hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in madaxweynaha dalka William Ruto ay ahayd in uu noqdo qofka ugu horreeya ee xilka laga qaado, ka hor inta aan baarlamaanka la horgeyn mooshinka xilka looga xayuubiyay ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua.
Kalonzo Musyoka ayaa xusay in aragtadii dadweynaha laga qaybgeliyay ay muujinaysay in kenyaanka aynan kalsooni ku qabin maamulka talada waddanka haya ee Kenya Kwanza ee uu hoggaaamiyo madaxweyne Ruto.
Waxaa uu intaasi ku daray in kenyaanka ay lumiyeen kalsoonidii ay ku qabeen labada hoggaamiye ee ugu sarreeya waddanka islamarkaana ay tahay in xafiiska ay baneeyaan.
Hadalkan ayuu madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka sheegay xilli uu xalay wareysi siiyay taleefishinka maxalliga ee Citizen.