Israa’iil oo duqeymo ay dad ku dishay ka gaysatay Beirut, Qaza iyo Daanta Galbeed

0
176

Waxaa xalay qaraxyo xooggan laga maqlay magaalada Beirut ee caasimadda dalka Lubnaan, iyadoo militeriga Israa’iil ay halkaasi duqeymo culus ka gaysteen.
Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in 37 qof ay dhinteen halka 151 kalena ay ku dhaawacmeen weerarro ay Israa’iil 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ka gaysatay waddankaasi.
Dhanka kale, ugu yaraan 18 ruux oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar ay diyaaradaha dagaalka Israa’iil ku qaadeen xerada qaxootiga Tulkarem ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed ee dalka Falastiin.
Madaxa hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka qaxootiga Falastiin ee UNRWA Philippe Lazzarini ayaa sheegay in ugu yaraan 21 Falastiiniyiin ah lagu dilay dugsi ay maamusho hay’addan muddo labo maalmood gudaheed.