In ka badan 200 oo xildhibaan oo saxiixay qorshaha xil ka qaadista ee ka dhanka ah Rigathi Gachagua

0
235

242 xildhibaan oo ka tirsan golaha qaran ee xeer dejinta ayaa saxiixay mooshin xil ka qaadis ah oo ka dhan ah madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Saxiixa mooshinka xil ka qaadista ee ka dhanka ah Rigathi Gachagua ayaa loo gudbin doona guddoomiyaha baarlamaanka waddanka Moses Wetangula.
Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Kimilli ee ismaamulka Bungoma Didmus Barasa ayaa sheegay inuu horkacaya qorshaha xil ka qaadista ee Rigathi Gachagua.
Barasa ayaa rajo ka muujiyay in mooshinkan laga doodi doono maalinka Talaadada haddii uu guddoomiyaha baarlamaanka ansaxiyo.
Qodobka 150-aad ee dastuurka waddanaka lagu maamulo ayaa dhigaya in sababaha loo cuskan karo xilka ka qaadista madaxweyne ku xigeenka ay taahy ku xadgudub weyn oo ka dhan ah dastuurka iyo dhaqan xumo weyn.
Khilaafka u dhexeeya madaxweyne Ruto iyo ku xigeenkiisa ayaa sii xooggeystay toddobaadyadii ugu dambeeyay, iyadoo Rigathi Gachagua uu hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka uga digay inuu dib u soo celiyo siyaasadii khiyaanada ku saleysnayd.
Waxaa uu ka codsaday inuu oofiyo ballanqaadkiisi ahaa inuunan oggolaan doonin in ku xigeenkiisa la dulleeyo.