Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa u yeertay howlwadeenno sare oo ka tirsan dowladda ismaamulka Mombasa.
Waxaa saraakiishan lala xiriirinaya afduub iyo jirdil dhawaan loo gaystay mid ka mid ah shakhsiyaadka baraha bulshada wax ku qoro, kaas oo dhaliilo u jeediyay barasaabka dowlad deegaanka Mombasa.
Dhibbanaha oo lagu magacaabo Bruce John Kajira ayaa la sheegay in 12-kii bishan ay koox ka kooban 10 qof ay ka afduubteen hooygiisa oo ku yaalla deegaanka Bamburi ee ismaamulka Mombasa.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa doonaysa in saraakiishan ka tirsan dowladda ismaamulka Mombasa ay iftiimiyaan doorka ay ku lahayeen afduubka iyo xadgudubka loo gaystay mid ka mid ah shakhsiyaadka wax ku qoro baraha bulshada.
DCI-da ayaa sheegtay in tuhmanayaasha ay xoog ku galeen guriga John Kajira islamarkaana albaabka gurigaasi ay jabiyeen.
Kajira ayaa intaa ka dib la afduubay isaga oo la geeyey meel aan la aqoonsan, iyadoo la sheegay in loo gaystay jirdil.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhibbaanaha la helay maalin ka dib afduubkiisa iyadoo uu jirdil ka muuqdo.
Waxaa hadda socda baaritaano dheeraad ah, islamarkaana lagu raadjooga shakhsiyaad kale oo dhacadan la xiriirinaya.