Hoggaamiyaha ismaamulka Kakamega sidoo kalena ka mid ah ku xigeennada madaxa xisbiga ODM Wycliffe Oparanya ayaa sheegay in xilligan aynan kala qaybsanayn siyaasiyiinta garabka mucaraadka ee dalka.
Arrinkan ayuu shaaca ka qaaday ka dib markii uu hooygiisa deegaanka Butere ku casuumay senetarka Siaya James Orengo iyo xildhibaanka deegaanka Rarieda Otiende Amolo.
Dhawaan ayay ahayd markii Orengo Amolo lagu eedeyay in ay carqaladeynayaan geeddisocodka sharci beddelka ee BBI.
Sidoo kale siyaasiyiintan ayaa lagu dhaliilay in ay taageersanayn rabitaanka madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo isaga iyo madaxweyne Uhuru Kenyatta ay hormuud u yihiin qorshaha lagu beddelaya dastuurka wadanka.
Mr. Oparanya ayaa carrabka ku adkeeyay in ay suurtagal tahay in siyaasi ka tirsan ODM uu qabo dareen ka duwan kuwa kale oo la xiriira BBI hasa ahaate aynan tani micnaheedu ahayn in xubnaha xisbiga aynan mideysnayn.