Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa beesha caalamka ugu baaqay in agabka loo baahan yahay ay ku taageerto howlgalka nabad sugidda ee Haiti ee ay taageeraysa qaramada midoobay ee ay hoggaaminaysa Kenya.
Waxaa uu sheegay in taageeradan ay isugu jirta maalgelin iyo ciidamo dheeraad ah si loogu guulaysto hadafka nabad sugidda ee ah la tacaalidda kooxaha hubeysan ee rabshadaha gaysanaya.
Madaxweyne Ruto ayaa xusay in beesha caalamka ay tahay inay fiiro gaar ah u yeelato baahiyaha ka jira waddanka rabshudu saameeyeen ee Haiti.
William Ruto ayaa intaasi ku daray in howlgalka uu hoggaaminaya taliyaha ciidamada booliiska ee ay dowladda Kenya gaysay waddanka Haiti ,Godfrey Otunge uu soo hooyay guulo ka dhan ah kooxaha burcadda ee hubeysan.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka ayaa sheegay in Kenya ay diyaar u tahay in ay bixiso taageero kasta oo xasilooni ku soo celinaysa waddanka Haiti.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay go’an tahay inay 600 oo ciidamada booliiska Kenya oo dheeraad ah la geeyo dalka Haiti.