Taliyaha guud ee booliska oo amray in la baaro cabashada sarkaal muuqaal iska soo duubtay

0
685

Taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Mr. Hillary Mutyambai ayaa waaxda qaabilsan arrimaha jinsiyadda iyo carruurta ku amray in ay si madax bannaan u baarto cabashada haweeney ka mid ah ciidamada ammaanka ee wadanka oo muuqaal iska soo duubtay.
Muuqaalka oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa la maqlayaa haweeneydan oo sheegaysa in ay wajahayso dhibaatooyin dhanka shaqada ah oo aan wax looga qaban sidaas awgeedna ay diyaar u tahay in ay is casisho.
Sarkaallada oo aan magaceedu la shaacin ayaa ka howlgasho waaxda ciidamada taraafikada ee ismaamulka Mombasa.
Mr. Mutyambai ayaa dalbaday in baaritaannada ka dib warbixin faahfaahsan lagu soo bandhigo toddobo cisho gudahood.
Dhanka kale waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa baaritaan ku haysa dhacdo abaare 7-dii subaxnimo ee shalay lagu dilay sarkaal sare oo ka shaqeeya waaxda socdaalka ee dalka.
Phillip Sitienei ayaa lagu toogtay wadada Lokichogio Nadapal ee ismaamulka Turkana.
Waxaa laga toogtay lugta, garabka iyo madaxa iyada oo aan ilaa iyo hadda la aqoonsan dableyda falkaasi ka dambeysay.
Waaxda qaran ee adeegga booliska oo weerarkaasi si kulul u cambaareysay ayaa sheegtay in sarkaalka uu isla goobta ku dhintay waxayna intaa ku dartay in aan laga daali doonin soo qabashada cidii dilkaasi gaysatay.