DHAGEYSO:Xildhibaanka Ceeldaas oo ka hadlay wakiil deegaan oo la la’yahay

0
178

Xildhibaanka deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Keynaan Weheliye ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aan meel lagu ogeyn wakiilka deegaanka hoose ee Deella Yuusuf Xuseen oo labo maalmood ka hor laga afduubtay caasimadda dalka ee Nairobi.
Mudanaha oo khadka taleefoonka ugu warramay Cabdiraxmaan Mucaawiye ayaa ku baaqay in haddii wakiilka uu wax dembi ah sameeyay in cadaaladda la hor keeno.
Waxaa uu xusay in afduubka uu yahay mid baalmarsan dastuurka waddanka u degsan oo aan marnaba la aqbali karin.

Waxaa sidoo kale dareenkooda arrintaasi ku aaddan warbaahinta la wadaagay qaar ka mid ah xubnaha ururrada bulshada rayidka ee ismaamulka Wajeer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here