DHAGEYSO:Shaqo joojinta saraakiisha caafimaadka ee Taita Taveta oo gashay toddobaadkii 3-aad

0
253

Waxaa toddobaadkii saddexaad galay shaqo joojinta ay ku guda jiraan dhakhaatiirta ismaamulka Taita Taveta ee gobolka Xeebta.
Arrintan ayaa saameyn wayn ku yeelatay bixinta adeegyada caafimaadka ee dowlad deegaankaasi.
Waxay dowladda ku eedeynayaan in ay ku guul darreysatay xallinta tabashooyinkooda oo ay ka mid tahay in la faahfaahiyo sababta aan xarumaha caafimaadka loogu wareejin lacagaha caymiska ee mushaarkooda laga jaro.
Sidoo kale waxay sheegayaan in isku dayo ku aadaana in golaha hoose ee ismaamulka Taita Taveta uu xal u raadiyo shaqo joojinta aan lagu guulaysan.
Issac Matolo oo ka mid ah hoggaamiyaasha ururka kalkaaliyeyaasha ee ismaamulka Taita Taveta ayaa arrimahan ka hadlay wuxuuna sheegay in aynan shaqo joojinta soo afjari doonin ilaa iyo inta laga xallinaya dalabaadkooda.