Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Nyeri ahna sii hayaha xilka isku duwaha ammaanka ee gobolka Bartamaha dalka Pius Murugu ayaa sheegay in dowladdu ay bixin doonto qarashaadka caafimaad ee ardaydii ku dhaawacmay dabkii saameeyay dugsiga hoose dhexe ee Hillside Endarasha Academy ee dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in dowladdu ay bixinaysa qarashaadka aaska meydadka 21 arday oo dabkaasi ku nafwaayay.
Murugu ayaa xusay in tani ay qayb ka tahay tallaabooyinka ay dowladdu ku caawinaysa qoysaska ay dhacdadaasi si gaar ah u saameysay.
Waxay tani imaanaysa iyadoo natiijada horudhaca ah ee baaritaannada ay muujinaysa in ay jirtay cillad dhanka korontada ah.
Hasa ahaate, shirkadda bixisa adeegga korontada ee dalka ee Kenya Power ayaa maalmo ka hor sheegtay in dabkii ka kacay qaybta ay ardayda seexdaan ee dugsiga Hillside aan cillad koronto loo aaneyn karin.
Home Wararka Kenya Dowladda oo bixin doonto qarashaadka caafimaad ee ardaydii ku waxyeelloobay dabkii Nyeri