4 qof oo lagu dilay Daanta Galbeed

0
264

Ugu yaraan 4 ruux ayaa lagu dilay Daanta Galbeed ee la haysto ee dalka Falastiin.
Tani ayaa timid ka dib markii ay halkaasi weerarro ka fuliyeen ciidamada militariga ee Israa’iil.
Wakaaladda rasmiga ee wararka dowladda Falastiin ee WAFA ayaa ku warramaysa in saddex qof ay ku dhinteen weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn oo lala eegtay baabuur marayay magaalada Tulkarem.
Qofka afaraad ayaa lagu dilay xerada qaxootiga ee Far’a oo u dhow magaalada Tubas.