Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ballan qaaday in muddo hal sano gudaheeda ah lagu nadiifin doono webiga Nairobi River.
Xilli uu maanta ku sugnaa xaafadda Korogocho ee caasimadda dalka ayuu madaxweynaha sheegay in howshan loo fulin doono wajiyo kala duwan.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ujeeddada arrintan laga leeyahay ay tahay in da’yarta ay ka qayb qaataan muujinta bilicda deegaanka iyo la tacaalidda isbeddelka cimillada iyadoo dhanka kale loo abuuraya fursado shaqo oo ay ku heli karaan qutul maalmeedkooda.
Madaxweynaha ayaa ugu horreyn ka hadlay mashruuca guriyaha qiimo ahaan la awoodi karo ee laga dhisaya goobihii laga daadgureeyay shacabka ee u dhow ilaha biyaha ee Nairobi ka dib saameyntii ka dhalatay daadadka ee ay ku dhinteen ilaa 42 qof.
Waxaa uu xusay in wajiga koobaad ee mashruucan la daahfuri doono koowda bisha Tobnaad ee sanadkan iyadoo la shaqaaleysiinaya 20,000 oo dhallinyaro ah. Waxaa uu intaasi ku daray in barnaamijkan la sii ballaarinaya oo la gaarsiin doono ismaamullada Kisumu, Mombasa, Nakuru , magaalada Eldoret ee Uasin Gishu iyo dowlad deegaannada kale ee waddanka.