Baaritaano lagu sameynaya meydadka ardaydii ku dhintay dabkii Hillside

0
275

Waxaa maanta la billaabay qalliino baaritaan ah oo lagu sameynaya meydadka ardaydii ku nafwaayay dabkii maalmo ka hor saameeyay dugsiga hoose dhexe ee Hillside Endarasha Academy ee deegaanka Kieni ee ismaamulka Nyeri.
Waxaa dhacdadaasi ku dhintay ilaa 21 arday ah.
Ilaa iyo hadda lama xaqiijin sababtii keentay in ay gubato mid ka mid ah goobaha ay ardayda seexdaan ee xaruntaasi waxbarasho.
Dhakhtarka dowladda u qaabilsan qaliinnada baaritaannada ah ee lagu sameeyo meydadka Dr. Johanssen Oduor ayaa lagu wadaa inuu xilli dambe warbaahinta faahfaahin ka siiyo waxyaabaha uga soo baxay baaritaannada billowday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here