DHAGEYSO:COTU oo taageertay shaqo joojinta shaqaalaha duullimaadka

0
260

Xoghayaha Guud ee dalladda ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha ee (COTU) Francis Atwoli ayaa taageero u muujiyay xubnaha ururka shaqaalaha waaxda duullimaadka waddanka ee KAWU ee shaqo joojinta ku guda jiro.
Waxaa uu dowladda ku dhaliilay in aynan xilliga habboon ku xallin tabashooyinka shakhsiyaadkan.
Atwoli ayaa eed u jeediyay wasiirro uu ku tilmaamay kuwo madax adag oo uu xusay in ay xaaladdi jirtay ka sii dhigeen mid cakiran.
Xoghayaha COTU ayaa sheegay inuu bilooyin ka hor faahfaahin ka dalbaday saraakiisha dowladda balse uunan ka helin jawaab habboon.
Atwoli ayaa arrintan sheegay xilli uu saaka tagay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi si uu garab istaag ugu muujiyo shaqaalaha gadoodsan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in shaqo joojinta laga hor tagi lahaa haddii lala tashan lahaa ururka KAWU balse qaar ka mid ah wasiirrada sida uu hadalka u dhigay ay ku guul dareysteen in ay tallaabo qaadaan.
Atwoli ayaa shaqaalaha ku boorriyay in ay dulqaad muujiyaan wuxuuna ballan qaaday inuu la kulmi doono maamulka KAA si xal loo helo.
Shaqo joojinta ayaa hakad gelisay duullimaadyo maxalli iyo kuwo caalami ah.
Shirkadda duullimaadka dalka ee Kenya Airways ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay jiraan duullimaadyo dib u dhac ku yimid iyo kuwo ay u badan tahay in la baajiyo balse ay xaaladda qiimeynaysa oo ay wixii faahfaahin ah dib ka soo sheegi doonto.
Xaaladda garoonka JKIA ayaana goor sii horreysay sidatan ahayd.

Shaqo joojinta ayaa sidoo kale carqaladeysay howlaha duullimaadka ee garoomada diyaaradaha ee ismaamullada Mombasa, magaalada Eldoret ee dowlad deegaanka Uasin Gishu iyo ismaamulka Kisumu.
Qaar ka mid ah rakaabka ku xayirmay garoonka caalamiga ee Moi ee Mombasa ayaa dowladda ugu baaqay in ay xalliso ismari waaga taagan.

Shaqaalaha garoonka Moi ee Mombasa ayaa dhankooda sheegay in aynan marnaba oggolaan doonin in gagida JKIA lagu wareejiyo shirkad shisheeye .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here