Dowladda oo kormeer ku sameynaysa mashaariicda la fulinaya

0
244

Dowladda dhexe ayaa billowday kormeer qaran oo lagu sameynaya hirgelinta mashaariicda horumarineed.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in maamulka madaxweyne William Ruto uu dib u daahfuraya mashaariic hore.
Agaasimaha isgaarsiinta ee xoghaynta isku duwidda howlaha dowladda sare ee (NGCS) ,Andrew Teyie ayaa bayaan ku sheegay in xafiiska madaxa wasiirrada iyo wasaaradda arrimaha gudaha ay kormeerkan si wadajir ah u sameynayaan laga billaabo maanta ilaa 14-ka bishan Sagaalaad.
Indha-indheynta mashaariicda ayaa laga sameynaya gobollada Bariga iyo Xeebta ee dalka ka hor inta aan loo sii gudbin Waqooyi Bari, Nairobi, Bartamaha,Rift Valley, Nyanza iyo Galbeedka.
Dowladda ayaa shaacisay in si gaar ah loo eegi doono hirgelinta 13 barnaamij oo ay ka mid yihiin dhameystirka warshadda haragga ee Kenanie ee ismaamulka Machakos , soo saaridda suufka ee ismaamullada Tharaka Nithi ,Kitui,Meru iyo Kilifi, qorshaha sanad kasta lagu dhisaya 200,000 oo ah guriyaha tayeysan ee qiimo ahaan la awoodi karo iyo mashaariic kale.