Nin burcadnimo looga shakiyay oo lagu dilay Kirinyaga

0
174

Waxaa bariga deegaanka Mwea ee ismaamulka Kirinyaga lagu dilay qof lagu tuhmay burcadnimo.
Waxaa halkaasi lagu dhaawacay labo xubnood oo kale iyadoo ciidamada booliiska ay fashiliyeen fal dhac ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saraakiisha booliiska ay xireen labada qof ee dhaawacmay .
Isku dayga dhaca ayaa lagu bartilmaameedsaday xarunta ganacsiga ee Piai Trading ee deegaanka hoose ee Murinduko ee Bariga Mwea oo ka tirsan dowlad deegaanka Kirinyaga .
Taliyaha booliiska ee deegaankaasi Patrick Nyaanga ayaa sheegay in saddex qof ee mid la dilay labada kalena la dhaawacay ay ka mid ahaayeen koox ka kooban 6 xubnood oo isku dayay in ay dukaan jabsadaan.