Garsooraha maxkamadda Isiolo oo Nairobi loo soo qaaday ka dib shil saameeyay

0
233

Waxaa magaalada Nairobi diyaarad loogu soo qaaday garsooraha maxkamadda sare ee ismaamulka Isiolo Thripsisa Wanjiku ka dib markii ay ku dhaawacantay shil laga soo tabiyay waddada wayn ee u dhexeysa Eldama Ravine iyo Nakuru .
Waaxda cadaaladda dalka ayaa qoraal ku sheegtay in garsooraha hadda la daaweynaya oo aynan xaaladeeda caafimaad liidan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Wanjiku ay ku safreysay baabuurka ay dowladdu siisay iyadoo ay weheliyaan darawalka iyo sarkaal ilaaliye u ah.
Gaariga ayaa dhowr mar rogmaday xilli uu wadaha isku dayayey inuu god ka leexdo taasi oo keentay inuu baabuurka xakameyn waayay sida ay booliiska sheegeen.
Laamaha amaanka ayaa laga soo xigtay in shilkaasi uu dhacay abaare 9:30 subaxnimo ee maanta gaar ahaan aagga Kabimoi oo ka tirsan deegaanka Eldama Ravine ee ismaamulka Baringo.
Baabuurka oo ka soo ambabaxay deegaanka Eldama Ravine ayaa ku soo wajahnaa Nakuru ka hor inta uunan shilku dhicin.
Darawalka iyo sarkaalka ilaallada ah oo dhaawacmay kuwaasi oo ay xaaladooda liidato ayaa lagu daaweynaya isbitaalka Valley Hospital ee Nakuru waxaana gaariga shilka galay loo jiiday saldhigga booliiska si baaritaano dheeraad ah loo sameeyo.