Madaxweynaha dalka oo amray in la dedejiyo baaritaannada dabkii Hillside

0
216

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa saraakiisha ammaanka ku amray in ay dardargeliyaan baaritaannada lagu ogaanaya sababtii keentay in maalmo ka hor uu gubtay mid ka mid ah goobaha ay ardayda seexdaan ee dugsiga hoose dhexe ee Hillside Endarasha Academy ee deegaanka Kieni, ismaamulka Nyeri.
Waxaa dhacdadaasi ku dhintay 21 arday ah iyadoo dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.
Madaxweynaha ayaa amarkan bixiyay xilli ay maanta saraakiisha wasaaradda waxbarashada faahfaahin ka siiyeen arrintaasi iyo tallaabooyinka ay qaadeen ee ay ku xaqiijinayaan badqabka ardayda maadaama uu ku maqnaa safar uu ku tagay Shiinaha.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa amar ku bixiyay in si buuxda loogu hoggaansamo xeerarka degsan ee dhanka badqabka ee xarumaha waxbarashada .
Waxaa uu sheegay in tani aan marnaba laga gorgortamayn.