Waxaa lagu soo warramayaa in weli la la’yahay 17 arday ah oo dhiganayay dugsiga hoose dhexe ee Hillside Endarasha Academy ee galbeedka deegaan baarlamaneedka Kieni ee ismaamulka Nyeri.
Tani ayaa timid ka dib markii la xaqiijiyay in 21 arday ah ay ku dhinteen dabkii ka kacay qaybta ay wiilasha seexdaan ee dugsigaasi dhowr kalena ay dhaawacmeen.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay weli socdaan baaritaano lagu xaqiijinaya sababtii keentay in ay qaybtaasi gubato.
Sidoo kale waxaa berri la billaabaya geeddisocodka lagu aqoonsanaya ardaydii ku dhintay dabkaasi ee ay meydadkooda yaallaan isbitaalka heerka afaraad ee Naromoru Level 4.
Waxaa sidatan warbaahinta u sheegay guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Nyeri Pius Murugu.
Sidoo kale waxaa la baaraya dhacdo tani la mid ah oo xalay laga soo tabiyay dugsiga sare ee gabdhaha ee ismaamulka Isiolo.