DHAGEYSO:DCI oo baareysa dabkii xalay saameeyay dugsiga sare ee gabdhaha ee Isiolo

0
366

Saraakiisha waaxda dambi baarista ayaa guda galay baaritaano ku aaddan sababtii keentay in xalay fiidkii uu dab ka kacay mid ka mid ah goobaha ay ardayda seexdaan ee dugsiga sare ee gabdhaha ee ismaamulka Isiolo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in waalidiin ay tageen dugsigaasi iyagoo walaac ka muujinaya badqabka carruurtooda.
Haweeney ka mid ah shacabka Isiolo ayaa laamaha ammaanka ka dalbatay in ay waalidiinta siiyaan faahfaahin dhameystiran oo dhacdadaasi ku aaddan.