Xoghayaha wasaaradda caafimaadka ee dalka Mary Muthoni Muriuki ayaa dadweynaha kula talisay in ay aad u taxadaraan oo ay nadaafadda ku dadaalaan.
Xilli ay munaasabad kaniiseed uga qayb gashay magaalada Kutus ee ismaamulka Kirinyaga ayay hoosta ka xarriiqday in kenyaanka laga doonaya in aynan la macaamilin shakhsiyaadka muujinaya astaamaha furuq daanyeerka Mpox sida cuncunka iyo nabraha jirka ka soo baxo.
Sidoo kale , waxay ka digtay in la wadaago dharka iyo shukumaannada oo si joogto ah gacmaha loogu dhaqdo biyo iyo gacmo-nadiifiyaha.
Waxay intaasi ku dartay in saraakiisha caafimaadka ay heegan sare ugu jiraan ka hor tagga faafitaanka cudur sidaha Mpox ee ilaa iyo hadda 5 kiis oo la xiriirta laga xaqiijiyay gudaha waddanka.
Waxay mar kale sheegtay in la xoojiyay kormeerka meelaha dalka laga soo galo.
Kenyaanka ayay uga digtay in aan lagu marin habaabin sawirro lagu faafiyo baraha bulshada oo ay sheegtay in mararka qaar ay yihiin kuwo dacaayad ku saleysan.
Labo ka mid ah dadka uu haleelay furuq daanyeerka Mpox ee gudaha Kenya ayaa isbitaallada laga saaray ka dib markii ay caafimaadeen iyadoo saddexda kale weli la daryeelaya.
Ilaa iyo hadda lama soo tabin qof dalka ugu geeriyooday caabuqan.