Ra’iisul Wasaaraha Lebanon oo cambaareeyay weerar ay Israa’iil fulisay

0
125

Ra’iisul Wasaaraha dalka Lebanon Najib Mikati ayaa si kulul u cambaareeyay weerar ay Israa’iil ka gaysatay Koonfurta waddankaasi.
Waxaa falkaasi lagu dilay saddex ka mid ah howlwadeennada caafimaadka.
Mikati ayaa hoosta ka xarriiqay in bartilmaameedsigaasi uu si cad ugu xadgudbay qiyamka aadanaha.
Waxay tani imaanaysa iyadoo maamullada maxalliga ee Qaza ay sheegayaan in weerarro ay Israa’iil fulisay Sabtidii lagu dilay ugu yaraan 31 qof oo Falastiiniyiin ah.