Sadiiq Khan oo mar kale loo doortay duqa London

0
479

Waxaa xilka duqa magaalada London ee boqortooyada Ingiriiska mar kale loo doortay Sadiiq Khan oo ahaa musharraxa xisbiga mucaaradka ah ee Labour Party.
Guusha u soo hooyatay ayaa timid ka dib tartan adag oo uu la galay Shaun Bailey oo ka socday xisbiga talada haya ee Conservative-ka.
Codadkii laga dhiibtay doorashada boqolkiiba 55.2 ayuu helay Sadiiq Khan halka Bailey uu soo hooyay 44.8 boqolkiiba ee codadka.
Xilli uu muujinayay dareenkiisa ku aaddan in mar kale uu noqonaya duqa magaalada London ayuu yiri”Waxaan si qoto dheer u ixtiraamayaa kalsoonida ay reer London igu siiyeen inaan sii wado hoggaaminta magaalada ugu weyn dunida”