Wasiir Ducaale oo u safray Ivory Coast

0
382

Wasiirka wasaaradda deegaanka , isbeddelka cimillada iyo kaymaha ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa saaka u ambabaxay magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast.
Waxaa uu Kenya ku matali doonaa shirka heerka wasiirrada ee arrimaha deegaanka ee Afrika oo ah meertada gaarka ah ee 10-aad (AMCEN).
Kulankan ayaa qabsoomi doono 5-ta ilaa 6-da bishan Sagaalaad.
AMCEN ayaa ah madal ay wasiirrada Afrika uga wada hadlaan aynan ku dejiyaan istaraatiijiyooyinka arrimaha taagan ee dhanka deegaanka ee saameynta ku leh qaaradda.
Sanadkan waxaa si gaar ah looga hadlaya caqabadaha lagala kulmo isbeddelka ku yimaada cimillada ,xaalufinta dhirta iyo in la helo waxyaabo xal ah oo waara oo ku qotomo baahiyaha khaaska ah ee waddamada Afrika.
Dowladda Kenya ayaa madashaasi ku soo bandhigi doonto siyaabaha ay ula tacaalaysa saameynta isbeddelka cimillada oo uu ka mid yahay qorshaha ugu dambeyn sanadka 2032-da lagu beeraya ilaa 15 bilyan oo geedo ah.
Tani ayaa la rajeynaya in ay baaxadda keymaha ee waddanka gaarsiiso boqolkiiba 30.