Wasaaradda caafimaadka ee dalka India ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay diiwangelisay xaaladaha cusub ee caabuqa corona oo gaaraya 403,738
Tani ayaa tirada guud ee kiisaska cudurka COVID19 ee wadankaas ka dhigtay 22.3 milyan.
Sidoo kale waxaa cudurka halkaasi ugu dhintay in ka badan 4,000 qof oo dheeraad ah waxayna tirada guud ee dhimashada hadda tahay 242,362.




