Qarax ka dhacay meel u dhow dugsi ku yaalla galbeedka caasimadda wadanka Afghanistan ee Kabul ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen 58 qof.
Howlwadeenada caafimaadka ee wadankaas ayaa ku dadaalaya in ay daaweeyaan 150 qof oo weerarka ku dhaawacmay.
Waxaa magaalada Kabul ka jirtay xaalad feejignaan sare ah tan iyo markii dowladda Maraykanka ay bishii hore sheegtay in ay ciidamadeeda 11-ka bisha sagalaad ee sanadkan kala bixi doonto gudaha dalka Afghanistan.
Ilaa iyo hadda ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.
Madaxweynaha dalka Afghanistan Ashraf Ghani ayaa bayaan uu soo saaray ku cambaareeyay weerarka dhacay oo uu ku eedeeyay Taalibaan in kasta oo ay kooxdu iska fogeysay fulintiisa.