12 qof oo ku dhintay shil ka dhacay Tharaka Nithi

0
347

Waxaa la xaqiijiyay in 12 ruux ay ku geeriyoodeen shil abaare 7:20 daqiiqo ee fiidnimo ee xalay ka dhacay buundada Nithi Bridge ee waddada xiriirisa Chuka-Meru gaar ahaan qaybta ismaamulka Tharaka Nithi .
Shilka ayaa u dhexeeyay baabuur ama bas yar oo rakaab siday iyo nooca gawaarida ee qaada xamuulka fudud .
Ciidamada booliiska ayaa laga soo xigtay in dhacdadaasi ay ku nafwaayeen dhamaan rakaabka oo isugu jiray 8 haween ah, labo rag ah iyo labo dhallinyaro ah.
Baaritaannada horudhaca ah ayaa muujinaya in shilka uu dhacay ka dib markii wadaha baska yar uu ka soo gudbay qaybtii waddada ee loogu talagalay inuu adeegsado.
Darawalka ayaa ka dhaawacmay dhanka lugta midig waxaana sidoo kale uu madaxa dhaawac ka soo gaaray qof rakaab ah oo la geeyay isbitaalka wayn ee magaalada Chuka.
Meydadka 12-ka qof ee shilka ku geeriyooday ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka Chuka si loo aqoonsado oo baaritaan loogu sameeyo.
Labada baabuur oo uu soo gaaray burbur xooggan ayaa loo jiiday saldhigga booliiska ee Chogoria si kormeer dabagal ah loogu sameeyo.
Taliyaha booliiska ee ismaamulka Tharaka Nithi , Zacheaus Ng’eno oo xaqiijiyay shilka iyo khasaaraha ka dhashay ayaa wadeyaasha gawaarida ku boorriyay in ay aad u taxadaraan gaar ahaan marka ay ku soo wajahan yihiin buundada halista ah ee Nithi Bridge.