Madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka ahna madaxa shaqaalaha ee madaxtooyada State House Felix Koskei ayaa macallimiinta ka tirsan ururka KUPPET ee shaqo joojinta ku guda jiro ka dalbaday in ay iska xaadiriyaan dugsiyadii ay ka howlgalayeen.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in warbixinnada lala soo wadaagay ay muujinayaan in shaqo joojinta ay ku guda jiraan boqolkiiba 10 ee macallimiinta.
Koskei ayaa sheegay in shakhsiyaadkan ay u badan yihiin saraakiisha ururka KUPPET.
Waxaa uu tilmaamay in dowladdu ay fulisay waxyaabihii ay bareyaasha dalbanayeen haddii ay jiraan arrimo dheeraad ahna la xallin doono.
Waxaa uu sheegay inuu hoggaanka ururka macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada sare ee dalka iyo machadyada farsamada ee KUPPET ku wargeliyay in ay u hoggaansamaan amarkii maxkamadda ee ahaa in shaqo joojinta la soo afjaro.
Shaqo joojintan ayaa soo billaabatay 26-kii bishii hore ee Sideedaad ee sanadkan.