Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in qorshuhu uu yahay in bisha Tobnaad ee sanadkan dib loo billaabo barnaamijkii shaqo abuurka loogu sameynayay dhallinyarada ee ay ku nadiifinayeen degmooyinkooda.
Barnaamijkan oo horay loo yaqaanay Kazi Mtaani ayaa loo beddelay Climate Works Mtaani.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kisumu ayuu madaxweyne William Ruto carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay ka go’an tahay in fursado shaqo loo abuuro dhallinyarada.
Waxaa uu xusay in da’yarta ay ka qayb qaadan doonaan muujinta bilicda deegaanka iyo ka hor tagga saameynta isbeddelka cimillada iyagoo uu howshan dakhli ka soo galaya.
Madaxweynaha ayaa arrintan ka hadlay xilli uu ka jawaabayay codsi uu gudbiyay xildhibaanka deegaanka Bartamaha Kisumu Joshua Oron oo ahaa in dib loo billaabo barnaamijkii la hakiyay.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Madaxweynaha oo sheegay in dib loo billaabi doono barnaamijkii nadaafadda ee degmooyinka