Ugu yaraan 2 ka mid ah ciidamada Israa’iil oo lagu dilay Daanta Galbeed

0
304

Waxaa lagu soo warramayaa in ugu yaraan labo ka mid ah saraakiisha ammaanka ee Israa’iil lagu dilay toogasho ka dhacday magaalada Hebron ee Daanta Galbeed ee la haysto ee Falastiin.
Toogashada oo lala eegtay bar-kontorool ayaa waxaa ku dhaawacmay sarkaal kale oo ku jiro da’da 50-aad.
Adeegga degdegga ah ee Israa’iil ayaa laga soo xigtay in labada qof ee la toogtay ay kala yihiin nin iyo haweeney.
Dhaawaca ayay xaaladiisa caafimaad liidataa waxaana la geeyay isbitaal si loo daaweeyo.
Weerarka ayaa ka dhacay barta kontoroolka ee Tarqumiyah ee Koonfurta magaalada Hebron.
Militariga Israa’iil ayaa sheegaya inuu guda galay howlgallo lagu raadinaya dadkii falkaasi ka dambeeyay.
Wargeyska Maariv ayaa ku warramaya in dadka laga soo dhex toogtay baabuur socday.
Dhanka kale , tan iyo markii ay Arbacadii Israa’iil duullaanka ka billowday magaalada Jenin ee Daanta Galbeed waxaa halkaasi lagu dilay ugu yaraan 24 Falastiiniyiin ah.