DHAGEYSO:Mas’uuliyiinta Nyandarua oo doonaya in la mideeyo lacagaha ardayda looga bixiyo waxbarashada

0
125

Hoggaamiyaasha siyaasadeed iyo madaxda diimeed ee ismaamulka Nyandarua ee gobolka Bartamaha dalka ayaa dowladda ugu baaqay in ay is waafajiso sanduuqyada dhaqaale ee ardayda looga taageero bixinta qarashaadka waxbarashada.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in maadaama ay jiraan qaabab badan oo tacliinta lagu maalgeliyo in tani ay fududaynaysa lunsashada qayb ka mid ah kheyraadka dadweynaha.

Sanduuqyada dhaqaale ee lagu taageero waxbarashada waxaa ka mid ah NG-CDF, NGAAF, lacagaha ay bixiyaan deegaannada hoose ee ismaamullada iyo amaahda HELB .