Kooxda Islamic Jihad oo xaqiijisay in taliye laga dilay

0
445

Dhaqdhaqaaqa Islamic Jihad ee dalka Falastiin ayaa shaaciyay in maanta taliye laga dilay.
Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in dilkan laga gaystay xerada qaxootiga ee Nur Shams ee magaalada Tulkarem.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo militariga Israa’iil uu sheegay inuu halkaasi uga takhaluso 5 qof oo uu maleeshiyo ku tilmaamay oo uu ka mid yahay Maxamad Jabber oo sidoo kale loo yaqaanay Abu Shujaa.
Waxaa uu ahaa taliyaha qaybta magaalada Tulkarem ee ciidamada Al-Quds Brigades.
Islamic Jihad ayaa intaasi ku dartay in weerarkaasi lagu dilay dhowr sarkaal oo kale.