Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa soo hadal qaaday taageerada uu u muujinaya Raila Odinga oo u tartamaya xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in Mr. Odinga uu taageero ka haysto waddamo badan.
Doorashada xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa waxaa bisha Labaad ee sanadka soo socdo qaab qarsoodi ah u qaban doono xubnaha golaha Midowga Afrika.
Waxaa musharraxiinta xilka AUC-da ee uu Raila Odinga ka mid yahay laga doonaya in ay soo hooyaan codad ah 32 oo ka mid ah 55-ta dowladood ee ay Afrika ka kooban tahay.
Tani ayaa u dhiganta saddex meelood labo meel tirada xubnaha.