2 qof oo ku geeriyooday shilal ka dhacay Mandera

0
548

Waxaa la xaqiijiyey in labo ruux ay ku geeriyoodeen shilal ka kala dhacay degmada Wargaduud iyo magaalada Mandera.
Shilka laga soo tabiyay Wargaduud oo ka tirsan Koonfurta ismaamulka Mandera waxaa ku nafwaayay mid ka mid ah wadeyaasha mootada.
Tani ayaa timid ka dib markii xilli uu waddada gudbayay ay isku dhaceen dhugdhugleyda iyo baska shirkadda Raxma oo saaka ka ambabaxay magaalada Mandera kuna soo wajahnaa Nairobi.
Dhanka kale, waxaa magaalada Mandera saaka shil ku geeriyooday nin kaxeynayay mooto kale.
Waxaa mootada saarnaa saddex wiil oo ka mid ardayda dugsiga sare ee wiilasha ee MSS .
Waxaa isla goobta ku dhintay wadihii mootada oo uu jiiray baabuur si xowli ah ku socday iyadoo uu dhaawac soo gaaray ardayda oo haatan dhaawacooda lagu daaweynaya isbitaalka Mandera .