Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa ka tacsiyeeyay geerida afhayeenkii hore ee golaha hoose ee ismaamulka Nairobi Alex Ole Magelo.
Waxaa uuna tacsi u diray qoyskii iyo ehelladii uu ka baxay.
Mr Alex ayaa xalay ku dhintay isbitaalka Nairobi xilli lagu daweynayay
Madaxweynaha dalka ayaa Mr Alex ku sifeeyay hoggaamiye aad uga shaqeeyay sidii Kenya looga dhigi lahaa waddan ka horumarsan dalalka kale .
Waxaa uu sheegaay in uu ahaa shakhsi ay ka go’aneyd gudashada wajibaadkiisa ku aadan u adeegida shacabka kenyaanka.
Mr Kenyatta ayaa sheegay in Ole Magelo uu aqoon u lahaa muddo dheer islamarkaana lagu xusuusan doona shaqadii wanaagsaneyd ee uu qabtay intii uu ahaa guddoomiyaha kooxda kubadda cagta ee AFC Leopards islamarkaana ka ciyaarta horyaalka dalka ee KPL.
Xaaska afhayeenkii hore oo maalmo ka hor la hadashay wargeyska maxaliga ee The standard ayaa sheegtay in qaybta daryeelka degdeg ah ee loo yaqaabo ICU-da la geliyaay Mr Alex uuna isbitalka ku jiray labadii toddobaad ee ugu dambeysay.
Mr Alex Ole Magelo ayaa sanadkii hore loo magacaabay xubin ka tirsan golaha horumarinta maqaarka ee KLDC.
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida afhayeenkii hore ee golaha hoose Nairobi