Dowladda oo sheegtay in ay diyaar yihiin 476,000 oo aqoonsiyo qaran ah

0
279

Xoghayaha waaxda socdaalka iyo adeegyada jinsiyadeed ee dalka Julius Bitok ayaa sheegay in dowladdu ay sameynaysa dadaal ku aaddan sidii meesha looga saari lahaa culeysyada la xiriira codsashada aqoonsiga qaran.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in caqabado dhanka sharciga ah ay dhawaan saameeyeen soo saaridda aqoonsiga casriga ah ee Maisha Cards.
25-kii bishii Toddobaad ee sanadkan ayay ahayd markii ay maxkamadda sare ee dalka soo saartay amar lagu hor istaagaya bixinta kaararkan dhijitaalka ah.
Hasa ahaate, dowladda ayaa go’aankaasi racfaan ka qaadatay waxaana xannibaadii jirtay meesha laga saaray 12-kii bishan Sideedaad.
Hasa ahaate, xoghayaha ayaa walaac ka muujiyay tirada badan ee aqoonsiyada qaran ee la soo saaray balse aynan weli qaadan dadkii codsaday.
Aqoonsiyadan ayuu sheegay in ay tiro ahaan gaarayaan 476,167 wuxuuna shakhsiyaadkii codsaday ugu baaqay in ay la wareegaan dokumeentigan muhiimka ah.